Maxay ka wada hadleen Waftigii Sucuudiga iyo Itoobiya…faah faahin
Waxaa maalmihii u danbeeyay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka itpobiya ku sugnaa wasiir ku xigeenka arrimaha dibada ee dalka boqortooyada Sucuudiga Eng. Waleed Bin Abdulkarim Al-Khuraiji.
Waftigan wasiir ku xigeenka arrimaha dibada ee sucuudigu hogaaminayay ayaa waxaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr. Gideon Timotewos oo xafiiskiisa kulan kula qaatay ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya dalalka itoobiya iyo sucuudi Carabiya.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay cadeeyeen in Itoobiya iyo Sacuudi Carabiya ay leeyihiin xidhiidh adag oo qotodheer oo soo jireen ah, iyadoi sidoo kale isla meel dhigay sidii xidhiidhkaas loo adkayn lahaa loona yeelan lahaa wadashaqayn ballaadhan oo joogto ah ilaa mustaqbalka fog.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda labada masuul waxay fikrado is dhaafsadeen arrimaha nabadda iyo amniga ee gobolka, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashi wadajir ah oo lagu xoojinayo xasilloonida iyo horumarka.
Jigjiganews.com kala soco warar sugan oo ku saabsan caalamka iyo geeska Africa.
Hoos ka daawo wararkii u danbeeyay ee deegaanka Tigray.

Leave a Reply