Sidaan wararkii hore ee jigjiganews ku shaacinay todobaadkan horaantiisii, waxaa magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka itoobiya maanta soo gaadhay madaxwaynaha israel Isaac Erzog oo la sheegay in uu booqasho rasmi ah ku yimid itoobiya.
Madaxwaynaha Israel ayaa waxaa soo dhoweeyay wasiirka arrimaha dibada ee itoobiya Gideon Timothy iyadoo la filayo in uu la kulmi doono madaxda ugu saraysa itoobiya, warbixin ka soo dhigay warbaahinta kala duwan ee dalka gudihiisa ka soo baxa ayaa sheegaya in uu itoobiya kala hadli doono iskaashiga itoobiya iyo Israel iyo waliba xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada wadan.
Waxaa baryahan danbe soo ifbaxayay loolanka caalamku ufu jiro xidhiidhada lala yeelanayo dalalka geeska Africa, iyadoo arrinta loolanku ay salka ku hayso mid dhaqaale iyo mid strategiyadeed oo caalami ah.
Dhowaan ayay ahayd markii Israel ay sheegtay in ay aqoonsatay Somaliland, arrinkaas oo ay si wayn uga biyo diiday dowlada Federalka ah ee Somalia, iyadoo ku tilmaantay talaabadaas mid sharci darro ah oo lagu wiiqayo midnimada Somalia, halka Somaliland ay dhankeeda arrinkaas ku tilmaantay furihii aqoonsiga Somaliland oo albaabka Hargeysa soo garaacay.
Ku xidhnow jigjiganews.com si aad u hesho dhamaan xogaha iyo wararka geeska Africa.
Dhanka kale, booqashadan ayaa ku soo aadaysa wakhti woqooyiga itoobiya ay xaalad ka aloosan tahay iyadoo ay ciidanka qaranka itoobiya iyo tplf qarka u saaranyihiin in uu dagaal dhex maro.
Jigjiganews.com kala soco xogaha iyo wararka geedka Africa iyo caalamka.
Hood ka daawo xaaladihii u danbeeyay gobolka Tigray

Leave a Reply