Jihan Xasan sheekh maxamuud oo ugu danbayn xilkay haysaa soo shaac baxay…Read More
Gabadha uu dhalay madaxwaynaha dawlada Federalka Somalia ee Marwo jihan Xasan sheekh maxamuud ayaa ugu danbayn si rasmi ah loo shaaciyay in ay xil sare ka hayso dowlada Federalka Somalia. Marwo jihaan Xasan aya in badan la arkay shacabka oo siyaabo kala duwan u soo hadal qaadaya xilka aan muuqan isla markaasna la shaacinin ee ay Marwo jihaan ka hayso dowlada Federalka Somalia.
Ugu danbayn maalintii shalay waxaa si rasmi ah u soo shaac baxay in ay marwo jihaan ka tirsan tahay la taliyeyaasha madaxwaynaha ee dhanka arrimaha dibada, kadib markii ay soo dhowaysay wafti ka socday dalka Ingiriiska oo soo gaadhay magaalada Muqdisho.
Duchess of Edinburgh, Sophie helen oo ka tirsan qoyska boqortooyada dalka UK ayaa muqdisho shalay lagu soo dhoweeyay. Jihan Xasan ayaan tuhun mooyee hada ka hor la haynin wax qoraal ah oo rasmi ah oo madaxtooyada ka soo baxay oo lagu shaacibayo xilka rasmiga ah ee ay ka hayso dowlada uu aabeheed hogaamiyaa jirin, iyadoo qoraalka shalay boga madaxtooyada lagu daabacay uu noqonayo midkii u horeeyay ee lagu qeexo xilka ay gabadha madaxwaynuhu ka hayso dowlada.
Sophie Helen ayaa la filayaa in maanta oo arboco ay soo booqan doonto Dalka Kenya, iyadoo joogi doonta dalka Kenya mudo laba maal mood ah, kana hadli doonta arrimaha nabad dhiska iyo horumarka haweenka, wakhti la filayo in maalinta haweenka oo loo asteeyay ay ku beegan tahay 8 bisha maarso ee inagu soo aadan.
Sida ay sheegtay safaarada Ingiriiska ee dalka Kenya, sophie Helen ayaa ka shaqayni doonta isku xidhka UK iyo kenya ee la xidhiidha dhanka Nabada, arrimaha haweenka iyo amniga. Dad badan ayaa aaminsan in Arrimaha dibada ee dalka Somalia ee wakhtigan cakiran, ay sabab u tahay wasaarada oo aan awood u lahayn in ay qabsato howleheeda shaqo, iyadoo ay aaminsanyihiin in Madaxwaynuhu uu si dadban isagu u maamulo.
Hoos ka daawo wararkii u danbeeyay ee Gobolka Tigray
Jigjiganews.com kala soco warar sugan oo xaasaasi ah.


Leave a Reply