Dowlada Masar oo war ka soo saartay war todobaadkan la isla dhex marayay…Read More.

Dowlada Masar oo war ka soo saartay war todobaadkan la isla dhex marayay…Read More.

 

Dowlada dalka Ayaa gaashaanka ku dhufatay, kuna tilmaantay waxba kama jiraan war todobaadkan la isla dhex marayay oo sheegayay in hadii itoobiya ay xal kala gaadho areimaha biyaha wabiga Nile ay bad la raadin doonto, qoraalkan oo baraha Bulshada si wayn ugu faafay, ayay dowlada masar gabi ahaanba iska fogaysay.

 

Warka muranka dhaliyay oo lagu daabacay Wargayska the national ayaa lagu sheegay in masaaridu ay diyaar u yihiin in ay bad la raadin doonaan itoobiya hadii ay fuliyaan shuruuda ah in heshiis laga gaadho arrimaha biyaha wabiga Nile ka oo ay Masar wali muran ka wado, sida aan ka soo xiganay warbaahinta Ahram ee isla dalka Masar ka soo baxda, saraakiil Masaari ah oo ay arrinkan wax ka waydiiyeen ayaa u sheegay in aanay waxba ka jirin soo jeedinta la weriyey ee la xidhiidha in Masar ogolaatay in Itoobiya marin baddeed hesho.

Warkan ayaa wuxuu intaasi ku daray in maamulka iyo amniga Badda Cas ay masuuliyadi ka saaran tahay dalalka Xeebtaas ku xeeran, iyagoo ku tilmaamay in marinka Badda Cas uu Masar u yahay meel istiraatiji ah, oo amniga dalka Masar ku xidhan yahay muhiimna u ah.

Warbaahinta fadhigeedu yahay Imaaraadka ee The National, oo xiganaysa ilo wareedyo Qaahira ku sugan ayaa shalay baahisay in Masar wado qorshe Itoobiya badda Cas loogu ogolaanayo.

ku xidhnow: jigjiganews.com, si aad u hesho xogo iyo warar sugan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*