DEGDEG: Hogaamiyeyaasha ugu sareeya RSF oo war aan farax galin doonin wajahaya…Read More

DEGDEG: Hogaamiyeyaasha ugu sareeya RSF oo war aan farax galin doonin wajahaya…Read More

 

Warar hada soo dhacay ayaa xaqiijiy in uu golaha amaanka ee Qaramada Midoobay cuno qabatayn iyo xanibaado ku soo rogay afarta hogaamiye ee ugu dareeya kooxda loo yaqaano RSF ama dacmu sariic ee la dagaalama dowlada sharciga ah ee dalka Sudan. Kooxdan ayuu golaha amaanka ee Qaramada midoobay eedeymo culus oo la xidhiidha tacaddiyo iyo dambiyo dagaal oo ka dhacay magaalada El-Fasher dusha u saaray, kadib markii ay ciidamada RSF bishii October ee sanadkii hore ee 2025 kii la wareegeen gacan-ku-haynta magaaladaasi, halkaas oo ay xagaha laga helay sheegayaan in Ciidanka RSF uu ka gaystay xadgudubyadii iyo gabood falyo xuwuuqda bani aadamka ka dhan ah, iyadoo dhacdooyinka magaaladaas ka dhacay lagu tilmaamay in ay yihiin kuwii ugu xumaa tan iyo markii uu qarxay dagaalka sokeeye ee sanadaha ka soconaya dalkaasi Suudaan.

 

Go’aankan Golaha Ammaanku uu gaadhay ayaa ka tarjumaya walaaca sii kordhaya ee beesha caalamku ka qabto masiibada bani’aadamnimo ee ka aloosan gobolka Darfuur, iyadoo la muujinayo in isla xisaabtan la’aantu ay sii hurin karto burburka dawladnimada iyo sii kala fogaansha bulshada.

Kooxda RSF ayaa dalkii Suudaan u badashay goob galgalin ah oo ayna ka muuqan wax raad dowladeed ahi, iyadoo ay dunida inteeda badani walaac wayn ka muujisay xaalada ka sii daraysa ee dalka Suudaan, oo mar ahaan jiray dalka Africa ugu amniga badan.

Ku xidhnow: jigjiganews.com si aad u hesho warar sugan oo dhex dhexaada iyo xagaha dahsoon ee guud ahaan dhunida iyo geedka Africa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*