Aqyaarta, ma maqasheen warka qabsaday masraxa caalamka saacadihii lasoo dhaafay? Waa arrin halis ah oo u baahan inaan si qoto dheer u falanqeyno..

Aqyaarta, ma maqasheen warka qabsaday masraxa caalamka saacadihii lasoo dhaafay? Waa arrin halis ah oo u baahan inaan si qoto dheer u falanqeyno…

 

Kahor intaanan guda gelin faahfaahinta warkan naxdinta leh, fadlan sii faafiya qoraalkan, maxaa yeelay macluumaadkan wuxuu khuseeyaa mustaqbalka aadanaha oo dhan..

 

Haddaba ​Halkee sheekadu ka bilaabatay?

 

Saddex maalmood kahor un, waxaa soo ifbaxay khilaaf culus markii Madaxweyne Trump uu eedeeyay Obama, isagoo sheegay inuu bixiyay sir culus oo ku saabsan Makhluuqaadka Hawada Sare ee Aliens-ka, taas oo aan la rabin in la shaaciyo xilligaas.

 

Intaas kuma uusan joogsan Trump, wuxuu si degdeg ah amar u siiyay Wasaaradda Dagaalka iyo Sirdoonka inay shacabka u soo bandhigaan dhammaan faylasha qarsoon ee ku saabsan Makhluuqaadka Hawada Sare iyo Maraakiibta Cajiibka ah ee ay ku safraan, kuwaas oo caalamku u yaqaano UFOs..

 

Wuxuuna hadalkiisa kusoo koobay: “Waa arrin halis ah, laakiin xiiso gaar ah leh.”

 

​Haddaba, maxaa maanta soo kordhay?

Iyadoo dunidu ay weli dheg taagayso faylashaas rasmiga ah, waxaa maanta baraha bulshada ee Maraykanka duufaan ku noqday warqad la sheegay inay tahay..

 

Qoraalka Khudbad Qarsoodi ah oo Trump uu dhowaan jeedin doono..

 

​Haddaba Hamzow, maxaa ku qornaa qoraalka la dusiyay ee naxdinta leh?

 

Qoraalku wuxuu u dhignaa sidan..

 

“Muwaadiniinta Maraykanka, iyo shucuubta caalamkow.. Maanta waxaan u dhaqaaqaynaa dhanka waa cusub. Waa dhammaadkii xilligii caruurnimada bini’aadamka, waxaana bilaabanaya xilli kale..

 

​Safarka aan ka hadlayo waa mid ay ka buuxaan caqabado aynaan garanayn, laakiin waxaan aaminsanahay in dhacdooyinkii hore iyo halgankii aan soo marnay ay si gaar ah noogu diyaariyeen inaan ka gudubno waxa soo socda..

 

​Dadka deggan meerahanow, keligeen ma nihin. Alle, xikmadiisa aan dhamaadka lahayn, wuxuu koonkan ku camiray makhluuqaad kale oo caqli leh sidayada oo kale.

 

​Waxaad is weydiin kartaan: Sideen ugu dhiiranayaa inaan sidan u dhaho iyadoo ay hubaal tahay?

 

Waxaan idiin sheegayaa, sannadkii 1947-dii, ciidamadeenu waxay saxaraha oomanaha ah ee New Mexico ka heleen haraadiga markab hawada sare ka yimid oo aan la garanayn meel uu ka yimid.

 

Saynisku wuxuu si degdeg ah u xaqiijiyay in markabkani uu ka yimid moolka dheer ee hawada sare.

 

Laga soo bilaabo waqtigaas, dowladdeenu waxay xiriir la sameysay kuwii sameeyay markabkaas..

 

​Inkastoo warkani u muuqdo mid layaab leh ama cabsi gelin kara dadka, haddana waxaan idinka codsanayaa inaydunan ku qaabilina cabsi xad-dhaaf ah ama rajo-xumo.

 

​Waxaan idiin xaqiijinayaa, madaxweyne ahaan, in makhluuqaadkani aysan noo hayn wax shar ah. Taa beddelkeeda, waxay ballanqaadeen inay naga caawiyaan inaan ka guuleysano cadowga guud ee bini’aadamka:

 

Dulmiga, Faqriga, Cudurada, iyo Dagaallada.

​Waxaa noo cadaatay inaysan cadow ahayn ee ay yihiin saaxiibo. Iyaga ayaana la dhisaynaa duni ka wanaagsan tii hore.

 

Ma idiin ballanqaadi karo in wadada inoo furan ay ka caagan tahay turunturooyin ama qaladaad, laakiin waxaan aaminsanahay inaan helnay qadarkii dhabta ahaa ee dadka dunidan weyn..

 

Inaan adduunka u horseedno mustaqbal sharaf leh.

 

​Maalmaha, toddobaadyada, iyo bilaha soo socda, waxaad ogaan doontaan wax badan oo ku saabsan Booqdayaashan, sababta ay halkan u joogaan, iyo sababta madaxdeenu ay sirtan idiinkaga qariyeen mudadaas dheer.

 

Waxaan idinka codsanayaa inaad mustaqbalka eegtaan, tinaagtaan geesinimo ee aadan cabsanina, sababtoo ah waqtigeenan waxaan awoodnaa inaan rumeyno riyadii hore: Nabad ka dhacda dhulka iyo barwaaqo u timaada dhammaan bini’aadamka.”

 

Haddaba su’aasha maskaxda daalinaysa waxay tahay: Trump ma dhab baa inuu dunida u sheegayo inaan xiriir toos ah la leenahay Aliens-ka, mise waraaqdan la dusiyay waa mid si ula kac ah loo sameeyay si lagu tijaabiyo dareenka dadweynaha kahor inta uusan dhicin ku dhawaaqista rasmiga ah?

 

​Ugu dambayntii haddii aad dareentay culeyska iyo muhiimadda warkan, ha isku koobin. La wadaag asxaabtaada si ay u ogaadaan isbedelka ku soo fool leh dunida..

 

Gabgabadii ​Haddii aad rabto inaad la socoto halka ay ku dambeyso sheekadan Makhluuqaadka Hawada Sare.

 

Xigasho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*