Boqol kamid ah ciidanka ilaalada ah madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Sayid maxamed Cabdile Xasan. Ciidankan oo aad u qalabaysan ayaa u amba baxay dhankaas iyo caasimada dalka Somalia, iyadoo la filayo in halkaas uu ka qabsoomi doono shirkad mucaaradka iyo dowlada Federalka Somalia.
Dowlada Jubbaland iyo Federalka Somalia ayuu xidhiidhkoodu xumaaday kadib markii ay isku fahmi waayeen doorashadii ka dhacday Jubbaland oo markale uu xilka ku soo noqday Axmed Maxamed Islaam. Isfahmi waagaas oo sababay in dowlada Federalka Somalia ay dagaal la gasho Jubbaland, iyadoo ka soo weerartay dhinacyo kala duwan, sida Raaskaambooni iyo Meelo kamid ah Gobolka Gedo.
Todobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii ay dowlada Federalka Somalia hawada ka soo celisay ciidamada ilaalada gaarka ah ee jubbaland iyo kuwa Puntland, iyadoo arrinkaas ay si wayn uga cadhoodeen mucaaradku.
Dhanka kale, dowlada Federalka Somalia iyo Puntland ayaan iyaguna xidhiidh wanaagsan yeelanin, tan iyo markuu xilka qabtay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud. Dowlada Federalka Somalia ayaa doonaysa in Somalia ka qabato doorasho qof iyo cod ah, inkastoo marka si dhab ah loo qiimeeyo jawiga dalku maanta ku sugan yahay, aysan muuqan amni iyo diyaar garow dhamays tiran oo lagu hir galin karo doorasho qof iyo cod ah oo wakhtiga Somalia ka dhacda.
Mucaaradka dowlada ayaa doonaya in doorashada lagu qabto si is ogol ah oo la isku wada waafaqsan yahay, iyagoo dhanka kale ka digay cawaaqibka ka dhalan kara in dastuurka dalka Somalia wax laga badalo iyadoo aan la isku af garanin. Qaar kamid ah golaha baarlamaanka Somalia ayaa sidoo kale ka biyo diiday qaabka loo marayo wax ka badalka dastuurka Dalka Somalia.
Ugu danbayn, dad badan ayaa waxay iswaydiinayaan suaasha ah, ma laga yaabaa in mar kale si fudud dib loogu soo celiyay ilaalada Madaxwaynaha mise doorkan waxay noqon doontaa arrinta shirku mid hirgasha.
Hoos ka daawo warbixinta oo dhamays tiran