DAAWO: Dowlada Eriteria oo siyaab leh uga soo jawaabtay fariintii arrimaha dibada ee dowlada Federalka Itoobiya + Maxaa sababay khilaafka xoogan ee labada dal

Dowlada Eriteria ayaa ka soo jawaabtay waraaqdii shalay ka soo baxday wasaarada arrimaha dibada ee jamhuuriyada Demuqraadiga Itoobiya. Waraadqan ayuu nuxurkeedu ahaa in dowlada Eriteria ay gabi ahaanba ciidamadeeda kala baxdo gudaha dalka Itoobiya, iyadoo ay markii hore dowlada Federalka itoobiya ciidamadani ka gacan siinayeen la dagaalkankii kooxdii TPF ciidankeedii TDF wakhtigii uu socday dagaalkii u dhexeeyay dowlada federalka itoobiya ciidankeeda millitary ga iyo kooxda TPLF oo uu dhex maray dagaal khadhaadh oo dowlad federalka itoobiya ay sheegtay in ay soo qaadeen dagaalyahanada TPLF.

colaadaas oo socotay mudo laba sano ah ayaa ugu danbayn heshiis lagu dhex dhigay dowlada Federalka itoobiya iyo Tplf iyadoo wada hadalku uu ka dhacay magaalda Pretoria ee dalka Koonfurta Africa. Heshiiskan oo marar badan oo kala duwan mugdi galay ayaa wakhtigan laftiisa wajahaya halis adag oo keeni karta uu gabi ahaanba baabo’o ama lagu kala tago, kadib dagaalo bilihii u danbeeyay si goos goos ah uga soo cusboonaanayay deegaanka Tigray iyo deegaanada xuduudaha la wadaaga ee isla gudaha dalka Itoobiya.

Tplf ayaa mudo 27 sano ah soo xukumaysay dalka itoobiya, iyagoo lagu xasuusto xukun adaga oo millitary iyo ku xad gudubta xuquuqda aadamaha oo si baahsan dalka itoobiya looga diiwaan galiyay dhacdooyin la sheegay in ay dhigmaan xad gudub ka dhan ah bani aadamka.

Jigjiganews waxaad markasta ka heli kartaa warar sugan faalooyin iyo guud ahaan xaalada ka taagan geeska Africa iyo caalamka.

Hoos ka daawo muuqaalka koobaad ee wararka la xidhiidha Eriteria iyo itoobiya xaaladaha ka dhex taagan.

Author: admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *