Daawo qaybta 2aad oo aad u xiiso badan oo ku saabsan isbarbar dhiga xukuumada Musyafe iyo tii Cabdi maxamud Cumar+video

Dadka caqliga yari shaqsiyaadka ayay faaleeyaan oo ay ku mashquulaan, dadka caqliga dhex dhexaadka ah lihina dhacdooyinka ayay ku madhquulaan, dadka caaqiliinta ahina qorsheyaal iyo curin ayay ku mashquulaan.

 

Xukuumada hada jirta ee DDS 8 sano ayay shaqsiyaad iyo dhacdooyin dadka kala hadlayeen, waxaa waajib ah in lala falanqeeyo shaqsiyaadka iyo dhacdooyinka, si loo gaadho in strategiyado iyo qorsheyaal curin tooda loo gudbo.

 

Daawadeyaal, dadka qayb kastaa sida ay wax ku fahmi karto ayaa loola hadlaa, kooxda xukuumada DDS joogtaa in shaqsiyaadka iyo dhacdooyinka falabqayntooda laga dhargiyo mooyee u gudbi maayaan in ay qorsheyaal iyo hal abuur la yimaadaan, cadayn waxaa ku filan 8 sano ayay wax curin lahaayeen oo ay meel kasta la taagan tahay kooxdii ka horaysay oo aynu wada ognahay shar iyo khayr waxay sameeyeen, cid suaal galin kartaana aysan jirin.

Hadaba arrinka la xidhiidha hadal haynta xukuumadii hore ayaa imaanaysa, kadib markoo xukuumada dowlad dregaanka Soomaalida ee uu hogaamiyo mustafe muxumed cumar ay si joogto ah uga hadli jirtay habeen iyo maalin, iyadoo ay xukuumada iyo hogaaminteeda sharaf u ahayd in ay laba mid samayso, waa mid ee in ay cafis guud kaga gudubto oo halkaas ay wax kasta kaga gudbaan xaaladana u badalaan xalay dhalay iyo cafis guud qofkasta ay cashar u noqoto dhibaatadii dhacday. Waa mida labaade, hadii ay xukuumadu ku qanci wayday in ay cafis guud fidiso waxaa sidan bukaan socodka ah ee hada jirta ka fiicnayd in ay ciday doonaan la xisaab tamaan, balse sida hada lagu jiro ayaa ah, calaacal joogto ah, dhaga hadal iyo mararka qaar ku xad gudubka garaadka bulshada xukuumadii hore dhibanaha u ahayd.

Hoos ka daawo qaybta 2aad ee isbarbar dhiga mustafe iyo kuwii ka horeeyay.

 

Author: admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *